Wararka naga soo gaadhaya Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay howlgab noqdeen dhamaan warshadihii wadanka, kuwaas oo sababay in guud ahaan wadanka laga waayo adeegyadii aas’aasiga ahaa.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa gabi ahaanba fadhiistay 3dii warshadood ee sonkorta kuwaas oo soosaari jiray sonkorta yar ee wadanka laga isticmaalo, waxaana lasoo warinayaa in guud ahaan wadanku uu noqday mid lagu diimo araga sonkorta wadanka laga soosaari jiray.

Warka ayaa intaas kudaraya in wadanka laga isticmaalo waxyar oo si dhuumaal ah wadamada dariska looga soogaliyo taas oo sida lasheegayo aad qaali u ah kuna adag dadka danyarta ah in ay iibsadaan.

Warshadaha howlgabka ah ayaa lasheegayaa in ay lafadhiisteen dayactir la’aan waxayna madaxda warshaduhu sheegeen in xukuumadu ay kadhaga adaygtay codsigoodii ahaa in warshadaha loosoo iibiyo qalabkii ay kushaqayn lahaayeen kaas oo sida lasheegay ubaahan in laga keeno dibada wadanka.

Hase yeeshee saraakiil ka agdhaw taliska wayaanaha ayaa laga soo xigtay in aan gacan lagu haynin wax dhaqaale ah oo lagu soo iibiyo qalabka ay warshaduhu ubaahan yihiin, waxayna saraakiishu intaas kudarayaan in xukuumadu ay kutalo jirto in warshadaha dib looxaraasho.

Mid kamid ah maareeye yaasha warshadaha sonkorta ee Itoobiya ayaa sheegay in kumanaan qof oo warshadaha sonkorta kashaqayn jiray ay hada camal la’aan noqdeen, wuxuuna maareeyuhu sheegay in uusan soomuuqanin xal lagu kicinayo warshada si shaqaaluhu lacag u helaan dadwaynuhuna sonkor uhelaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay