Waxaa maanta kulankoodii bilaha ahaa isugu yimaaday xubnaha Jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka koonfur Afrika gaar ahaana Faraca Port Elizapeth shirka ayaa wuxuu ahaa shirkii ay xubnaha isugu imaan jireen bishiiba mar waxaana lagu furay wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariimka ah.

Shirka ayaa waxaa furay gudoomiyaha jaaliyada Ogaadeniya faraca Port Elizapeth Mudane Halgame Abdi Taajir Axmed wuxu ka jeediyay qudbad kooban sidoo kale wuxuu ka waramay wax qabadkii faraca ee bilihii lasoo dhaafay iyo wixii u qabsoomay sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu kawaramay wax yaalaha miiska u saaran ee ay qaban doonaan kuwaasi oo ay ugu horayso abaabul xoog leg iyo shirar loo qaban doono shacabka soomaaliwayan.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay qaarkamida gudiga jaaliyada iyo xubno dhawr ah waxaana la is waydaar saday fikiro iyo talooyin ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa wax qabadka jaaliyada iyo xubnaha faraca.

Shirka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday gabagabdii si guul ah waxaana dhamaan xubnaha ku balameen inay sii laban laabaan halganka iyo dagaalka ay kala soo horjeedaan gumaysiga madaw ee xooga ku haysta dhulka soomaalida Ogaadeniya.

ONA/Port-Elizapeth.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay