Doorashadii shalay oo Axad ahayd ka dhacdey dalka Jarmalka ayaa waxaa kuraasta ugu badan helay Xisbiga CDU ee ay hoggaamiso Angela Markel oo markii 4aad isu diyaarineysa in ay noqoto Mustashaarka dalka Jarmalka.

Guusha Angela Markel ayaa ah mid kharaar u dhandhameysa iyada iyo xisbigeeda, kadib markii Xisbiga midigta fog ee AfD ee ay ku badan yihiin Naasiyiintu ay markii u horeysey Baarlamaanka Xildhibaano ku yeesheen waxaana ay noqdeen Xisbiga saddexaad ee ugu weyn dalka Jarmalka, waxaana ay Baarlamaanka dalka Jarmalka ku yeelanayaan Xildhibaano ku dhaw 90.

Marka loo barbardhigo Doorashadii sanadkii 2013 ayaa Xisbiga CDU luminayaa kuraas aad u badan waxaana ay heleen codad ku dhaw 33% taas oo u dhiganta qiyaastii 218 Xildhibaan halka markii hore ay ka haysteen 311 Xildhibaan Isbahaysiga CDU/CSU, taas oo u dhigantey 41%. Xisbiga kale ee guuldaradu la soo guboonaatey ayaa ah xisbiga cagaarka ee inta badan Dowaldda wax kala dhisa Xisbiga CDU.

Angela Markel oo markii 4aad noqoneysa Mustashaarka ama Jaanslorka Jarmalka ayaa haysata fursado ay ku soo dhisto Dowlad Wadaag ah, sida ay u badan tahay waxaa Dowladda la soo dhisaya Xisbiyada Libaraalka ee FDP iyo kan deegaanka ee loo yaqaan Green Party (Grüne)  oo isku dar helaya 20%, sidoo kale waxaan meesha laga saari karin in Xisbiga labaad ee SDP la soo dhiso karo Dowlad wadaag ah Xisbiga ugu weyn ee CDU.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay