Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdishu ee caasimada wadanka Soomaaliya ayaa tibaaxaya in sarkaal sare oo ka tirsan ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed lagu dilay degmada Waaberi.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay saxaafada in dablay hubaysan oo aan haybtooda lagaranaynin ay toogteen Jeneraal Cabdullaahi Maxamed Sheekh oo ka mid ah saraakiisha hoggaanka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Jeneraalkan ladilay waxa lala dilay mid ka mid ah ilaaladiisa waxaana la sheegay in la weeraray xilli ay kasoo baxeen Masjid ku yaala degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho. Dablaydii falkan dilka ah gaysatay ayaa goobta ka baxsatay. Jeneraalka oo lagu naanaysi jiray Qururux ayaa la sheegay inuu hore u ahaa Taliye xigeenka saadka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay