Ilo wareedyo ku dhadhaw dowlada Masar ayaa sheegaya in uu gabi ahaanba burburay wadahadalkii udhaxeeyay dowladaha Masar iyo Itoobiya, kaas oo lagaga wadahadlayay biyo xidheenka uu taliska wayaanuhu kadhisayo Gobolka Abay ee galbeedka Itoobiya.

Sida aan lawada soconay xukuumadaha Qaahira iyo Addis Ababa ayaa siwayn isugu maandhaafay biyo xidheenka ay xukuumada wayaanuhu kasamaysay galbeedka Itoobiya, iyadoo qorshuhu uu yahay in laxidho wabiga Nile oo ah wabi ay kafaa’iidaystaan malaayiin shacab ah oo Masaari ah.

Madaxwaynaha Masar Cabdifataax Asiisi oo kahadlayay shirkii Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dowladaha uumaro wabiga Nile looga baahan yahy in ay tixgaliyaan heshiiskii horaan looga gaadhay qaybsiga biyaha wabiga Nile.

Sidoo kale madaxwayne Asiisi oo lahadlayay khuburo ree Masar ah ayaa sheegay in xaalada wabiga Nile ay saamayn wayn yeelan karto hadii aan si fiican loo maaraynin, sidoo kale Cabdifataax Asiisi ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar uyihiin xal waara oo laga gaadho biyaha wabiga Nile.

Dhinaca kale khuburo ree Masar ah oo arimahan falan qeeyay ayaa sheegay in hadii xidhiidhka Masar iyo Itoobiya uu siixumaado lafilan karo dagaalo dhex mara labada wadan kuwaas oo saamayn wayn kuyeelan kara guud ahaan qaarada Africa.

Xukuumada wayaanaha ayaa dhawaan dowlada Masar ku eedaysay in ay hurinayso colaadaha kataagan gudaha wadanka Itoobiya, waxayna xukuumada waynuhu sheegtay in kacdoonada shacabka ee dami waayay laga hurinayo gudaha wadanka Masar.

Xidhiidhka labada wadan ayaa siixumaanayay tan iyo intii ay xukuumada wayaanuhu bilowday biyo xidheenka Abay kaas oo madaxwaynihii hore ee wadanka Masar Maxamed Mursi uu siwayn uga biyo diiday.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay