Magalada Oslo ee dalka Norway waxaa maanta ka dhacay mudaharaad balaadhan ooy si wada jir ah usoo abaabuleen jaaliyadaha kasoo horjeeda gumaysiga iyo gumaadka ay wado xukuumada wayanaha ee hada ka arimisa itoobiya hadase waqtigeedii  dhamaaday.

Waxaa si wayn mudaharadkaas ugu qayb-qaatay jaaliyada Somaalida Ogadeniya ee Norway faraceeda magalada Oslo. Banaanbaxan ayaa waxaa lagaga soo horjeedaa dagaalka ay ka dhex oogtay  dawlada Woyanahu labada qoomiyadood ee walaalaha ah ee Soomaalida & Oromoda ah.

Mudaharaad balaadhan ayaa waxaa socod dheer lagu maray wadooyinka halbawlaha u ah magaalada . Guriga baarlamaanka ayaa la is hortaagay Waxaa loo gudbiyay qoraal ka hadlaya xadgudubka ay gaystaan ciidamada woyaanuhu iyo dagaalada tigreegu ka hurinayo xuduuda labada qoomiyadood .

Warfaafinta Jaaliyada

Oslo/Norway

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay