Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kibramengist ee Gobolka Oromia ayaa sheegaya xiisad kulul oo halkaas kataagan kadib markii dhaawac culus lagaadhsiiyay mid kamid ah saraakiisha ugu saraysa ciidanka sirdoonka Wayaanaha.

Sida xogta aan kuhelayno dhalin yaro hubaysan ayaa gurigiisa ugu dhacay Zerihun Jilo oo kamid ah saraakiisha ciidanka sirdoonka wayaanaha oo sida lasheegay ahaa shakhsi gumaad badan kagaystay Gobolka Oromia.

Warka ayaa intaas kudaraya in Zerihun Jilo goobta dhaawaca lagu gaadhsiiyay lagaga qaaday baabuur qafilan, isla markaana ladhigay mid kamid ah Isbitaalada ciidamada ee magaalada Addis Ababa, waxaana lasheegayaa in ay xaaladiisu tahay mid aad uliidata.

Dhinaca kale taliska wayaanaha ayaa deegaankaas kudaabulay ciidan aad ubadan kuwaas oo sida lasheegayo dadka deegaanka ugaystay tacadiyo kala duwan oo xidhay, jidhdil iyo boob hanti yeed isugu jira.

Ciidamada sirdoonka wayaanaha ayaa bilihiilasoo dhaafay bartilmaameed unoqday dhalin yaro hubaysan, waxaana lakhaarajiyay saraakiil badan oo kuwa sirdoonka ah halka qaar kale oo badana ay kabadbaadeen dilal loo qorsheeyay.

In ciidamada la ugaadhsado ama ay shaqadooda ka ruqsaystaan ayaa ah wadada lagu garto burburka, waxaana hubaal ah in uu waynaaday kala shakiga ciidamada iyo saraakiisha wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay