Wararka naga soo gaadhaya xuduuda dheer Ogadenia iyo Oromia ayaa sheegaya dagaalo lagu hoobtay oo todobaadadii lasoo dhaafay kasocday xuduuda labada umadood ee walaalaha iyo dariskaba ah.

Sida aan lawada socono dagaaladan oo galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah iyo waliba boqolaal kamid ah maleeshiyaadka lagu adeegto ee Hawaarinta ayaa socday mudooyinkii ugu dambeeyay, waxaana hurintooda iyo hulaaqintoodaba lahaa kooxda dhiiga shacabka kamushtarta ee TPLF.

Faa’iidada kooxda TPLF ugu jirta dagaaladan ayaa ah in uu kayaraado culayska saaran taliska wayaanaha kaas oo laxidhiidha kacdoonada shacabka ee mudada dheer kasocda qaybo badan oo wadanka Gumaysiga Itoobiya ah.

Kooxda naflacaariga ah ee TPLF oo siwayn ugu fashilantay daminta kacdoonada iyo latacaamulka shucuubta kala duwan ayaa xal u aragtay in ay bulshada iska horkeento si ay uhesho cimri dheerar, waxayna kooxda dadaal dheer ugashay hurinta dagaalo udhexeeya qoomiyadaha dariska ah.

Dagaalada kasocda xuduuda Ogadenia iyo Oromia ayaa noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa waxaana larumaysan yahay in khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo aan laqiyaasi karin ay dagaaladaasu dhaliyeen, waxayna dagaaladan noqdeen kuwii ugu farxada badnaa marka la eego dhinaca qoomiyada Tigreega.

Dagaaladii ugu dambeeyay ee dhex maray labada Hawaarin ee taliska wayaanuhu uu kasamaystay Ogadenia iyo Oromia ayaa kadhacay deegaanada kala ah Dabaylawayne, Qardaaduulo, Balbalayti, Tuliguuleed, Nagayleboorane, Mooyaale, Mula, Bardoode, Erar, Muluqaamayu, Salaxaad, Kolole, Guradhamole, Qubi, Kalbaale, Daawo iyo deegaano kale oo kuteedsan xuduuda Ogadenia iyo Oromia.

Dagaalada waxaa kudhintay boqolaal kamid ah maleeshiyaadkii dagaalamayay iyo waliba shacab aad ubadan oo ay laayeen labada dabaqoodhi ee loocarbiyay laynta shacabka, sidoo kale dagaaladan ayaa keenay barakac aad uwayn iyo burbur hantiyeed oo aan lasoo koobi karin.

Jabhadaha matala shacabka laysku laayay ee ONLF iyo OLF ayaa kubaaqay in dagaaladan Addis Ababa laga soo safriyay si dag dag ah loojoojiyo, sidoo kale waxaa joojinta dagaaladan macno la’aanta ah kubaaqay Jaaliyaadka dibada ee Ogadenia iyo Oromia iyo waliba waxgaradka labada qoomiyadood ee Soomaalida iyo Oromada, kuwaas oo kadharagsan danta laga leeyahay dagaaladan marin habaabinta ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay