Koox hubeysan oo aan haybtooda lagaranaynin ayaa diley xoghayihii ururka haweenka Soomaaliyeed Canab Cabdullaahi Xaashi kadib markii ay weerar ku qaadeen gaadhi ay wadatey.

Sidoo kale kooxda hubeysan ayaa isla gaadhiga Canab wadatey ku diley wiil la socdey oo ay dhashey Guddoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed..

Dilka ayaa ka dhacay demagada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, Sida ay ku waramayaan dadku dhawaa goobta dilku ka dhacay, kooxda rasaasta gaadhiga ku furey ayaa watey gaadhi kale oo daba socdey, waxaana ay rasaas kaga soo fureen dhanka darawalka

Kooxda dilka fulisey ayaa gaadhigii ay wateen ku baxsadey. Ciidanka amaanka ayaa goobta gaadhey oo ka bilaabey baadhitaano. Ururka Haweenka Soomaaliyeed ayaa ah urur rayid ah oo ay ku bahoobeen haweenka Soomaaliyeed.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay