Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in gabi ahaanba Gobolka laga joojiyay socdaalkii shirkada basaska ee Salam Bus, taas oo kashaqayn jirtay dhamaan Gobolada kala duwan ee Axmaarada.

Sida xogta aan kuhelayno dadwaynaha kudhaqan Gobolka Axmaarada ayaa siwada jir ah udiiday in ay raacaan shirkada baabuurta shirkada Salam Bus, taas oo laga leeyahay Gobolka Tigreega oo ah Gobol aysan dadka Axmaarada ah xidhiidh wanaagsan lahayn.

Shirkada Salam Bus ayaa ah mida kaliya ee kooxda TPLF ay u ogoshahay in ay kashaqaysato dhamaan Gobolada kala duwan ee wadanka Gumaysiga Itoobiya, waxayna shirkadu naas nuujin aad uwayn kuhaysataa kooxda talada wadanka haysata ee TPLF.

Adaxda shirkada Salam Bus ayaa sheegtay in ay joojinayaan safaradii ay ku aadi jireen Gobolka Axmaarada halkaas oo ay kaheleen digniino badan oo dadka shacabka ah ka imaanaya, waxayna ubaqeen baabuurtooda in lagubo shaqaalahoodana lalaayo.

Ma aha markii ugu horaysay ee laweeraro ama digniin lasiiyo shirkada Salam Bus, waxaana bilo kahor lagubay xaruntii uguwaynayd ee shirkada Salam Bus ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo dadwayne cadhaysan ay weerar kuqaadeen.

Dhinaca kale war hada soo dhacay ayaa sheegaya in laweeraray shirkad kuwa bagaashka ah oo kutaala magaalada Addis Ababa, waxaana lasheegayaa in uu dab wayn oo halkaas kadhashay gaystay khasaare lixaad leh.

Weerarkan oo loo adeegsaday bamka gacanta lagu tuuro ayaa lasoo warinayaa in uu dhaliyay khasaare aad ubadan waxaana sida lasheegayo gubtay guryo badan oo shirkadu ay daganayd.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay