Waxaa magaalada Muqdisho soo gaadhay Taliyaha Guud ee Ciidamada Wadanka Turkiga Hulusi Akar iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Waxaa taliyaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Axmed Jimcaale Geedi, danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Ambassador Olgan Baker, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeyeeyay, waxaana wadooyinka waaweyn lagu arkayay Ciidamo hubeysan, meelaha qaarna magaalada looma ogolayn in ay maraan gaadiidka dadweynaha.

Socdaalkan taliyaha iyo wafdiga la socda ayaa la sheegay in uu horudhac u yahay wafdi ballaadhan oo ka socda dalka Turkiga kaasi oo ka qeybgali doona munaasabadda xarigga looga jarayo xarun ciidan oo Turkiga ka hirgeliyayay magaalada Muqdisho, taasi oo loogu tala galay in lagu tababaro ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa dhismaha saldhigan waxa ay ku bixisay dhaqaale gaadhaya 50 Million oo Dollar, waxaana la bilaabay dhismaha Saldhigan Bishii March ee sanadkii hore 2016 kii.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay