Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ayaa sheegaya ismaan dhaaf cusub oo soo kala dhex galay xukuumada wayaanaha iyo odayaasha deegaanka ee matala dadka shacabka ah ee qoomiyada Oromada.

Sida xogta aan kuhelayno ismaan dhaafka ayaa yimid kadib markay odayaasha deegaanku siwayn uga soo horjeedsadeen taalo marin habaabin ah oo taliska wayaanuhu uu udhisay dadkii lagu xasuuqay deegaanka Bishuft ee udhashay qoomiyada Oromada.

Taliska wayaanaha ayaa si uu indhaha shacabka usii jeediyo ra’i caalamkana ukhaldo wuxuu sameeyay taalo uu kharash badan ku bixiyay oo tilmaamaysa in dadkiilagu xasuuqay magaalada Bishuft sanadkii hore ay ahaayeen kuwo iyagu isku tuntay kadib markii ay kuwo qaswadayaal ah buuq galiyeen.

Hadaba odayaasha iyo aqoonyahanka qoomiyada Oromada oo aad uga cadhooday taalada marin habaabinta ah ayaa taliska wayaanaha usheegay in uu sameeyo dhowr arimood oo dag dag ah si xiisada xoogan loo joojiyo.

Shuruudaha ay odayaashu soojeediyeen waxaa kamid ahaa In gabi ahaanba ladumiyo taalada lagu duudsiyayo dhiiga shacabkii laxasuuqay iyo In aysan goobta ay xafladu kadhacayso aysan imaanin wax mas’uul ah oo kasocda dowlada dhexe ee wayaanaha iyo mida kilalka Oromada toona, sidoo kale odayaasha ayaa taliska wayaanaha usheegay in marka xaflad dhaqameedka laqabanayo aysan imaanin ciidanka Booliiska wayaanaha waxayna odayaashu sheegeen in ay iyagu gayn doonaan 300 oo dhalinyaro ah oo amaanka ilaalisa.

Hay’ada xuquuqul insaanka ee Human Right Warch ayaa horaantii todobaadkan soo saartay digniin ay xukuumada wayaanaha uga digayso in ay sameeyaan xasuuq midkii sanadkii tagay lamid ah, kaas oo kadhaca xaflad dhaqameedka ay shacabka Oromadu qabsan doonaan dhawaan.

Hay’ada HRW ayaa sheegtay in ay aad uga cabsi qabto isku dhac xoogan oo dhex mari doona shacabka xaflada imaan doona ee ree Oromia iyo ciidanka wayaanaha ee loo carbiyay gumaadka shacabka.

Dhinaca kale in kabadan 3000 oo udhashay qoomiyada Sidamo ayaa lagu soo waramayaa in ay ka qaxeen Gobolka Oromia halkaas oo ay kataagnayd xiisad udhaxaysay qoomiyadaha Oromada iyo Sidama.

Kooxda TPLF ee isku dirka qoomiyadaha caanka ku ah ayaa dab ka dhex shiday qoomiyadaha walaalaha ah ee Sidamada iyo Oromada kuwaas oo sida lasheegayo ay xaaladoodu gaadhay meel adag.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay