Mooshin kadhan ah xukuumada wayaanaha oo ay sixiixeen 36 kamid ah baarlamaanka wadanka Maraykanka ayaa lagu wadaa in laga doodo Isniinta bari ah oo ay taariikhdu kubeegan tahay 2 bishan aan kujiro ee October.

Xubnahan kamid ka ah baarlamaanka dowlada Maraykanka oo ay kujiraan siyaasiyiin caan ah ayaa sheegay in aan indhaha laga qabsan karin dhaqanka qalafsan ee xukuumada wayaanaha iyo dhibaatada joogtada ah ee lagu hayo shacabka kudhaqan wadanka gumaysiga Itoobiya.

Qaraarka ay soo diyaariyeen xubnaha baarlamaanka Maraykanka kamidka ah oo uu tirsigiisu yahay HR 128 ayaa guul wayn u ah shucuubta kala duwan ee kudhaqan wadanka Gumaysiga Itoobiya.

Mooshinka ayaa lasheegayaa in ay aad ubadan yihiin xubnaha taageersan ee aan wali sixiixin waxaana lafiliyaa in go’aan laga qaadan doono kadib markii baarlamaanka dowlada Maraykanka hortiisa lagu falan qeeyo.

Xeel dheerayaal dhinaca siyaasada ah ayaa sheegay in hadii baarlamaanka Maraykanku ay meel mariyaan mooshinka kadhanka ah xukuumada Wayaanaha uu aad usii xumaan dooni xidhiidhka labada wadan ee Maraykanka iyo Itoobiya, kaas oo sababi kari burburka wayaanaha oo soo dagdaga.

Dowlada Maraykanka ayaa aaminsan in xukuumada wayaanuhu ay aqabad kutahay guud ahaan xasiloonida gayiga geeska Africa iyo wadanka Itoobiya,

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.