Hay’ad caalami ah oo baadhitaan kusamaysay xaalada dhaqaale ee wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegtay in dhaqaalaha wadanka Itoobiya uu labaaba’ay qorshe la’aan iyo maamul xumo dhinaca xukuumada ah, waxayna hay’adu sheegtay in dhaqaalaha wadanku uu gaadhay meel aad uhoosaysa.

Hay’ada ayaa sheegtay in bilo kahor markay xukuumada wayaanuhu xidhay khadka Internet-ka uu wadanku khasaaray 130 bilyan oo Dollar, waxayna hay’adu sheegtay in lacagtaas malaayiinta ah lamaarayn kari lahaa hadii aqli fayow lagu eego.

Hay’ada daraasada samaysay ayaa sheegtay in wadanka Itoobiya uu maalinkasta khasaari jiray markuu Internet-ku xidhnaa 3.4 milyan oo Dollar, waxayna hay’adu sheegtay in aqoon la’aanta iyo xisaabtan la’aanta xukuumada wayaanuhu ay keentay khasaaraha intaas dhan.

Sidoo kale waxaa gabi ahaanba istaagay adeega guud ee bulshada waxaana xidhmay dhamaan xarumihii caafimaadka kuwaas oo adeega Internet-ka kushaqayn jiray, sidoo kale waxaa meesha kabaxay xidhiidhkii ay bulshadu lalahayd caalamka intiisa kale.

Dhinaca kale waxaa wadanka in ay kaguurayaan ku hanjabay dhamaan hay’adihii iyo ururadii caalamiga ahaa sida ururka midowga Africa (AU), safaaradihii wadamada aduunka iyo hay’adihii caalamiga ahaa kuwaas oo dhamaantood sheegay in ay waayeen adeegii Internet-ka taasna ay kalifayso in ay wadanka iskaga guuraan.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa talaabadan qaaday iyadoo doonaysa in ay afka qabato shacabka kudhaqan wadanka Gumaysiga Itoobiya oo sanadihii lasoo dhaafay kacdoon xoogan kawaday gudaha wadanka.

Sidoo kale waxaa dhulka galay gabi ahaanba sumcadii xukuumada wayaanaha waxaana la ogaaday in talisku uu yahay midka ugu macangagsan dhamaan xukuumadaha kali taliska ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay