Waxaa shalay ka dhacay Oromiya Xaflad dhaqameed ay sanadkiiba mar xusaan shacabka Oromiya waxaana isugu soo baxay dadwayne farabadan oo ka qayb galaayay xaflada Iraachaa hadaba shacabka Oromiya ayaa waxay muujiyeen sida ay uga soo hor jeedaan nidaamka gumaysiga Ah ee TPLF ku haysato dhulkooda.

Dhalinyarada ayaa waxay soo wada xidheen calanka ururka OLF ee u dagaalama xoriyada dadka Oromada waxayna soo qaateen calankaas xafladaha dhex doodii ayagoo gumaysigu uu awoodi waayay inuu xataa la hadlay ayagoo wada agtaagnaa.

Sawirada hoos idiin ka muuqdaa waa shacabkii Oromiya oo wata calankii OLF iyo waliba qaar dhar kasamaystay halka qaar kalana ay wajiyada iskaga buufiyeen calankii OLF taasi waxay ku tusaysaa go’aanka iyo go naan shaha shacabka Oromiya inay xoriyad iyo aayo katashigooda gaadhaan.

Xaflada ayaa waxaa sidoo kale waxaa lagaga dhawaaqayay erayo lidi ku ah taliska macangaga ah ee TPLF kuwaasi oo ay kamid yihiin Down Down Woyaane, shacabka ururada maxaliga ah ayaa waxay TPLF iyo ciidankeeda ugu hanjabeen hadii ay hal shaqsi oo shacab ah sidaas u eegaan in ay ka dhici doonto waxaan la arag oo la maqal taas oo ay ula jeedaan taliska nuglaaday ee TPLF wuxuu noqon doonaa mid kala yaaca maanta.

Muuqaalkan hoose daawo shacabka oo ku qaylinaaya Down Down Woyaane ayagoo aad ugu cadhaysan gumaysiga TPLF.

Xaflada ayaa gabagabadii waxay kusoo dhamaaday si guul ah waxaana shacabk Oromiya ay xaqiiyeen in hadii ay mid noqdaan waxka awood badan uunsan jirin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay