Donald Trump, Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku tilmaamay “Wakhti dhumis” in wax wadahadal ah lala galo Kuuriyada Waqooyi, isagoo khilaafay qorshaha uu wado Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Rex Tillerson.

Mr.Tillerson oo todobaadkan booqasho ku tagay dalka Shiinaha si uu dar dar u geliyo xal u raadinta xiisada Kuuriyada Waqooyi, ayaa saxaafada u sheegay in Dowlada Maraykanka ay xidhiidh toos ah la samaynayso  Xukuumada Kim Jong Un.

Balse maalin kadib ayuu Trump bartiisa uu ku leeyahay Twitter ku shaaciyey in wadahadalka Kuuriyada waqooyi ay tahay wakhti dhumis, isagoo sheegay in dowladihii isaga ka horeeyey ay ku fashilmeen in wadahadal natiijo uga keenaan Kuuriyada Waqooyi, Trump ayaa ku goodiyey inuu tilaabo qaadi doono.

Macada qorshaha uu Trump ka leeyahay hadalkan uu twitterka ku shaaciyey ee khilaafaya siyaasada uu hada waday Xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka Rex Tillerson. Trump ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay hadalo hanjabaad iyo aflagaado ah hawada isu marinayeen hogaanka Kuuriyada Waqooyi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.