War hada soo dhacay ayaa sheegaya in uu baxsaday mid kamid ah waftigii lasocday raysal wasaaraha maqaar saarka ah ee Itoobiya Hailemariam Desaleng, kaas oo kaqayb galay shirkii Qaramada Midoobay ee wadanka Maraykanka kadhacay.

Sida ay baahisay laanta afka Axmaariga ee ideecada VOA-da waxaa baxsaday madixii anshaxa ee raysalwasaare Desaleng oo lagu magacaabo Baye Tadesse Teferi, kaas oo kamid ahaa waftigii kaqayb galay shirkii Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Mr Baye Tadesse oo lahadlay qaybta afka Axmaariga ee Ideecada VOA ayaa sheegay in uu magan galiyo waydiistay dowlada Maraykanka, wuxuuna Baye intaas raaciyay in wadanka gumaysiga Itoobiya uu u egyahay golay lagu kala baxay sidaas darteedna uusan kunoqonaynin.

Mr Baye Tadesse ayaa sheegay in xukuumada wayaanuhu ay xooga saartay oo kaliya sidii dhaqaalaha wadanka looboobi lahaa isla markaana awood laysugu muquunin lahaa, wuxuuna Baye intaas kudaray in qoomiyaduhu ay ukala awood badan yihiin hadba sida ay xukuumada ugu kala dhaw yihiin.

Baye Tadesse Teferi ayaa wadanka gumaysiga Itoobiya ku macneeyay markab siidagaya, wuxuuna sheegay in wadanku uu ubaahan yahay gurmad dag dag ah si looga badbaadiyo kooxda qowlaysatada ah ee TPLF kuwaas oo mudo aad udheer wadanka kagarba duubtay in uu lajaan qaado dunida inteeda kale.

Bilihii iyo sandihii udambeeyay waxaa kor usii kacayay baxsadka saraakiisha sarsare ee Itoobiya waxaana laxasuusan yahay baxsadka qaar kamid ah aas’aasayaashii kooxda TPLF, taas oo aqliga fayow tusinaysa heerka uu wadanka Itoobiya marayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay