Isbaheysi ay sameysteen Muslimiinta iyo Yahuudda Mareykanka si uu ula dagaalamo naceybka ka dhanka ah bulshooyinkaas, una aas-aaso xidhiidh wanaagsan oo dhex-mara, ayaa sii ballaaranaya.

Isbaheysigan oo loogu magac daray Golaha Shuurada ee Muslimiinta iyo Yahuuda ayaa Talaadadii ku kulmay magaalada Dearborn ee duleedka magaalada Detroit, halkaasi oo ay degan yihiin bulshooyinka Carabta iyo Muslimiinta ugu waqtiga dheer Mareykanka.

Hogaamiyayaasha ururkan ayaa sheegay inay magaalada Dearborn u doorteen kulankoodii ugu horreeyey ee ka dhaca meel ka baxsan New York iyo Washington DC.

La-guddoomiyayaasha ururkan Stanley Bergman iyo Farooq Kathwari ayaa sheegay in Detroit iyo magaalooyinka ku dhow ay tusaale u yihiin xidhiidhka Muslimiinta iyo Yahuuda, ayna macquul tahay inay xafiis gobolka qaabilsan ka furaan. Ururkan ayaa hadda xafiisyo ku leh magaalooyinka Los Angeles, Philadelphia, Dallas iyo Miami.

Bergman ayaa sheegay in Muslimiinta iyo Yahuuda Mareykanka ay markii hore la’aayeen fikradda ay qol ku wada fariisan karaan ugana hadli karaan arrimaha sida isku midka ah walaaca ugu haya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.