Wararka  naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana magaalada Jigjiga ee xarunta gobolka faafan ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay xabsi ku dileen wiil shacab ah oo magaciisa naloogu sheegay Marxuum Xassan Mohamud Nuur.

Ciidanka Woyanaha ayaa waxay gurigiisa kala baxeen Maxruum xassan taariikh du markay ahayd 24/09/2017 waxayna jidhdil xun ugu gaysteen xabsiga gudahihiisa sidoo kale waxay ku ciqaabeen gidhibka oo ah goob biyo fadhiisad ah oo ku taala magaalada jig jiga.

Marxuun xassan ayaa ugu danbayn tii ku dhintay xabsiga gudihiisa waxaana lagu aasay magaalada jig jiga asagoo maydkiisa lagusoo tuuray hospitalka kaaraamardha ee magaalada jig jiga.

Shacabka Ogadeniya ayaa waxay si maalinle ah ula kulmaan tacadiyada kala duwan oo gumaysigu ku hayo waxaana ilaahay uga baryaynaa marxuumka iyo dhamaan intuu gumaysigu xasuuqay inuu ilaahay naxariistii jano ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxay na  samir iyo iimaanka siiyo.

ONA/Jig Jiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay