Maxkamada guud ee dalka Turkiga ayaa xukun ku diray 34 askari oo lagu eedeeyey inay qorsheenayeen dilka Madaxweyne Erdogan xiligii uu socday Inqilaabkii militari ee fashilay sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 kii.

Dhamaan askartan ayaa lagu riday xukun maxaa haku furto ah, waxaana saraakiishan la xukumay kamid ahaa Jeneraal Gokhan Sahin Sonmezates.

Maxkamadeynta askartan ayaa bilaabatay bishii 2aad ee horaantii sanadkan 2017 magaalada Mugla ee koonfurta dalkaasi Turkiga. Waxaana jiray in badan oo kamid ah taageerayaasha Erdogan oo ku baaqayey in kooxdan askarta ah lagu rido xukun dil ah.

Balse dowlada Turkiga ayaa sanadkii 2004 joojisay xukunadii dilka ahaa, xili ay bilaabeysay gorgortanka ay dooneysay in dowladaasi ku biirto wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub (EU).

Erdogan ayaa sheegay inuu si dirqi ah uga baxsaday qorshahaasi loo maleegay xili uu ku sugnaa Hotel ku yaala magaalada Marmaris oo uu dalxiis u joogay isaga iyo qoyskiisa, waxaana xiligaasi loola cararay magaalada Istanbuul.

Inqilaabkii militari ee fashilmay sanadkii lasoo dhaafay 2016 kii ayey ku dhinteen dad gaadhaya 249 qof, waxayna xukuumada Turkiga horey u sheegtay inaysan ka daali doonin inay maxkamad iyo sharciga horkeento dhamaan xubnihii ka qeyb qaatay afgembigaasi dhicisoobay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay