Ciidanka Booliska dalka Talyaaniga ayaa Arbacadii la soo dhaafay fashiliyay islmarkaana soo qab-qabtay Ururka ama shabakad safrineysay qalab Millitari, ayna ka dhoofinayeen Talyaaniga, kuna socday Soomaaliya.

 Dadkii la soo qabtay oo ka koobnaa 4 Rag ah, ayaa 3-ka mid ah yihiin Soomaali, halka ninka kalena uu yahay Talyaani, waxaana laga qabtay Magaalada Florence, waxyaabaha la qabtay ayaa waxa loo ekeysiin karaa Dharka ay qaataan Booliska Soomaliyeed, sida ay Wakaaladada Wararka Talyaaniga ee ANSA uu Boolisku u sheegay.

Kooxahan ayaa lagu tuhunsan yahay inay xidhiidh dhow la leeyihiin ama ku tiirsan yihiin shabakad ka kooban Darawalo wada gawaadhida Xamuulka iyo Wakiilada shirkadaha Maraakiibta ee Tuscany, Campania, Calabria, Emilia-Romagna iyo Sicily.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay