War hada naga soo gaadhay magaalada Wanshinton DC ee cariga Maraykanka ayaa sheegaya in uu shakhsi miisaan culus kulahaa maamulka wayaanaha uu magan galiyo siyaasadeed waydiistay dowlada Maraykanka.

Sida xogtan aan kuhelayno General Melaku Shifarow Turuneh oo ahaa shakhsi miisaan wayn kulahaa siyaasada xukuumada wayaanaha ayaa isu dhiibay dowlada maraykanka, wuxuuna Generalku warbaahinta usheegay in isaga iyo intii damiir leh ba aysan suuragal u ahayn in ay kasii dhex muuqdaan siyaasada guracan ee taliska wayaanuhu uu ku dhaqmayo.

General Melaku ayaa magaalada Wanshinton kaga qayb galayay shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen 72 wadan oo aduunka kamid ah kaas oo uu kumatalayay wadanka Gumaysiga Itoobiya, wuxuuna Generalku sheegay in wadanka uu isagu matalayo uu gurmad siyaasadeed ubaahan yahay.

General Melaku Shifarow Turuneh ayaa sida lasheegayo ahaa khabiir dhinaca ciidamada ah gaar ahaan laanta sirdoonka wuxuuna katirsanaa xisbiga ANDM ee isku sheega in uu matalo Qawmiyada kacdoonada badan wada ee Axmaarada.

General Melaku ayaa warbaahinta usheegay in wadanka Gumaysiga Itoobiya ay kajirto cadaalad daro aad ubadan oo lagu hayo Qawmiyadaha kala duwan ee wadanka kuwada nool, wuxuuna Generalku sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto dhibka shacabka lagu hayo.

Arintan ayaa waji gabax ku ah kooxda aysan ceebtu qabanin ee TPLF, waxaana tayo xumada iyo khibrad la’aanta TPLF laga horsheegay 72 wadan oo kaqayb galayay shirka caalamiga ah ee Global Collision To Defend ISS.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay