Ururka dhalinta & Ardayda Somalida Ogadenya ee Afka Qalaad lagu yidhaahdo Ogaden Youth And Student Union (OYSU) ayaa Shir heer sare ah kuqabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Kulankan oo ahaa mid lagaga hadlayay Qodobo Quseeya Waxqabadka dhalinyarada Ogadenya iyo sidii ay da’yarta Somalida Ogaadeniya usii xoojin lahaayeen Halganka Xaqa ah ee Gumaysiga Itoobiya lagaga Xoraynayo Ciida Sharafta badan ee Ogaadeniya.

Waxaa kale oo Madasha Kulanka la iskula qaatay In Fikirka, Aqoonta, dhaqaalaha, & Xooga dhalinyarta Dal & Dibad meel walba oo ay joogaan ay kor uqaadaan dadaalkooda ay kudoonayaan inay Gumaysiga Gabalkiisii sii dhacayo ay kaga Takhalusaan iyagoo kala hortagaya Fikir iyo Xoog Midaysan.

Dhanka kale Maamulka Jaaliyada Ogadenya ee Bariga Afrika ayaa dhalinta usoo jeediyay Warbixin waafi ah oo kusaabsan Halganka Ogaadeniya iyo meesha uu marayo iyo Inay lagama maarmaan tahay in fadhiga laga kaco lagana midho dhaliyo Guusha soo carfaysa, islamarkaana dabada layska raaciyo Gumaysiga Wayaanaha oo xiligan Kala dhaqaaqii ugu danbeeyay taagan.

Ugudanbayntii waxay dhalinyaradu isku balansadeen in Abaabul xoogle iyo shaqooyin itus oo itaabsii ah ay Qabtaan dhalinyartu Lana Abaabulo dhamaan Bulshada Soomaaliyeed loona sheego in Itoobiya wadadii Burburka Cagta saartay ay lagama maarmaan tahay in Ummada Soomaaliyeed ay meel ugasoo wada jeestaan Cadowgooda soo jireenka ah Itoobiya.

ONA Nairobi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.