Maanta oo ay Taarikhdu ahayd 07/10/2017 waxaa magaalada Offenbach ee dalka Germany lagu qabtay shir ay soo abaabulen Jaliyadaha Somaliyeed ee kudhaqan dalka Germany.

Shirkan ayaa mawduuca ugu wayn ee loogaga hadlay wuxu aha dhiibistii Abdikarin Shekh Muse Qalbi dhagax ee ay dowlada Somalia sida naxariis darrada iyo somalinimo la’aanta ah ugu gacan galisay Gumaysiga Ethiopia.

Shirkan ayaa lagu furay aayado Quran ah iyo wacdi diini ah oo kusaabsan waxa ay diinta islamku ka qabto ugacan galinta qof Muslim ah cadowgiisa.

Shirkan ayaa Furay Gudoomiye ku xigaanka Hogaanka Warfaafinta Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) Mudane Mohamed Ali oo si waafi ah uga hadlay dhagartii Abdikariim sheekh muuse Qalbi-dhagax laga galay ee loogu gacan galiyay Gumaysiga Itoobiya asagoo sheegay in taariikhda ay xusi doonto kooxihii falka noocaasi ah gaystay maalin maalmaha kamidana la la xisaabtami doono.

Waxaa shirka La wareegay Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Ogadenya Mudane Abdirahmaan wuxuu ka jeediyay qudbad qiimo badan oo soo jiidatay dhamaan xubnihi iyo shacabkii kasoo qayb galay kulankan.

Shirka ayaa lagu falan qeeyay qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen ,waxa ku kalifay dowlada Somalia inay mudane Abdikarim Shekh Muuse udhiibto gumaysiga Ethiopia, Waxa ay Xeerarka caalamiga ah ka qabaan dhibistii Abdikariim sheekh Muuse qodabkan waxaa aad usharaxay mudane Jamal Diiriye oo ah siyaasi kaso mid noqday Parlamanka Gumaysiga Ethiopia sido kale ahaa sharci yaqaan rug cadaa ah.

Ugu Dambayn shirka ay wuxuu kuso dhamaaday si guul ah waxayna Cambarayn dusha ooga tuureen kasoo qayb galayaashii shirka xukuumada soomaaliya waxay sidoo kale Codsi u direen Dawlada Somalia iyo iyago ka codsanayey inay dowladu jawaab sax ah kasiiso sharciga ay umartay dhiibista Naftihure Abdikarin.

ONA/Offenbach.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay