Dawlada Washington ayaa ansixisay in Boqortooyada  Sacuudiga laga iibiyo Gantaalada loo yaqaaano THAAD si ay u sii xoojiso nidaamka difaaca dalkeeda.

Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in heshiiskani oo ku kacaya 15 bilyan oo doolar uu yahay mid ay ku jirto danaha Maraykanka ee dhanka ammaanka iyo siyaasada Arrimaha Dibadda.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in ay xoojin doonaan ammaanka Boqortooyada Sacuudiga iyo dalalka kale ee gacanka khaliijka carabta xilli ay sii kordhayso khatarta ka imaanaysa dalka Iran.

Wakaalada iskaashiga ammaanka u qaabilsan wasaarada Gaashaan-Dhiga Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in hubkani ay ka iibinayso Boqortooyada Sacuudiga uusan wax ka badali doonin isu dheelitirnaanta Militari ee gobolka.

Warkani ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib markii Sacuudi Carabiya ay Ruushka kula heshiisay in ay ka iibsato gantaalada difaaca hawada.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.