Ciidamo ay taageerayaan dowladda Turkiga ayaa sii kordhiyey duullaan ay ku qaadeen kooxaha jihaad-doonka ah ee magaaladda Idlib haysta. Waxayna u muuqataa weerarkani mid lagu burburinayo kooxda Taxrir Al Salam. Ciidamada Turkiga ayaa maalmahanba xuduuda ay Suuriya la leeyihiin waxay ka wadeen diyaargarow.

Waxaana jira warar aanan la hubin oo sheegaya in ciidanka Turkiga ay weerarkan ka qayb qaadanayaan balse weerarkan hadda socda waxaa wada ciidamo uu Turkiga taageero.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in ay bilaabayaan howgal lagu sugayo amaanka dalkiisa Magaaladda Idlib ee dalka Suuriya ku taala ayaa ilaa sanadkii 2015-kii waxaa haystay kooxaha mucaaradka.

Waxayna magaaladda Idlib u ahayd kooxaha mucaaradka meel ay mar walba iska soo abaabulaan Ruush iyo Turkiga ayaa hadda heshiis ku ah hawgalada magaaladda Idlib lagu qaadayo.

Waxaana Ruushku uu maalmihii u dambeeyey ka waday halkaasi duqayn xaga cirka ah Waxana hadda u muuqataa in magaaladda Idlib ay noqonayso goob dagaal oo lagu dagaalamo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.