Journalka kasoo baxa South Afrika ee Dailymaverick ayaa lagu soo daawacay Dacwada ay jaaliyada Somalida Ogadeniya ay kusoo oogtay wadanka Ethiopia ee ka furantay Maxkamada Sare ee wadanka South Afrika.

Journaalka ayaa  Boggiisa hore lagusoo saaray sawir aad u weyn oo ay kusawiranyihiin Haween somalida Ogadeniya ah. Waxaana far aad u waaweyn laguqoray cinwaan loogu magac daray

“Dacwada Qaxootiga Somalida Ogadeniya Waxay  Koonfur Afrika galisay Furinta Hore”

Wargeyskan oo ah wargeysada ugu waaweyn ee kasoo baxa koonfur afrika ayaa waxa uu aad uga faalooday xadgudubyada ay dowlada Ethiopia kula kacdo shacabka Somalida Ogadeniya. Waxa uuna si qotto dheer uga waramay dacwad ay Qaxootiga Somalida Ogadeniya ku fureen iyo sida dacwadaas ay u tahay mid xoog badan iyo nidaamyada dacwadan aymari doonto. Sidookale waxa uu aad uga xogwaramay Halganka shacabka Somalida Ogadeniya ay ku jireen mudada 100 sanno ah iyo xaaladihii halgankaas.

Journalka ayaa iskudayay innuu oggaado dacwada innuu ku jiro Kaligi taliye Zenawi iyo inkale. Sidoo kale waxa lagu shaaciyay qodobada ay dacwadu ka koobantahay.

Warbixinta oo turjuman waxa aad kala socotaan wararka ONA. 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay