Hay’adda udooda xaquuqul insaanka ee dalka Kenya ayaa ku eedeysay booliska dalkaasi dilka ugu yaraan 37 qof oo lagu dilay hawlgal ay booliska uga hortagayeen dibadbaxyo dalka ka billowday kaddib markii la shaaciyay natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday labo bilood ka hor.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’addani, 35 qof ayaa lagu dilay rabshado socday muddo saddex maalmood ah kaddib markii boolisku ay adeegsadeen awood dheeraad ah. Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa laashay natiijada doorasahda madaxtinnimada sababo la xidhiidha khaladaad ka dhacay guddiga doorashooyinka dalka awgood.

Doorasho ku celis ah ayaa loo ballansan yahay 26 bishan basle isbahaysiga mucaaradka ayaa ku hanjabay inuu qaadacayo doorashadaasi haddii aan isbadal lagu sameyn qaar ka mid ah shaqaalaha guddiga doorashada.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaas ku kala eryay boqolaal ka tirsan taageerayaasha mucaaradka oo dalbanayay isbadal. Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, Raila ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku adkeystay in uusan ka qaybgali doonin doorashada ku celiska ah, haddii aan la fulinin codsigiisa.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.