Gobollo ku yaala koonfurta dalka Brazil ayaa waxaa laga bilaabay hindise dadka lagu weeydiinayo in ay dalweynaha Brazil kasii mid ahaadaan, ama ay noqdaan dal cusub oo gooni isu taaga.

Waxaa arrintan soo qabanqaabiyay, hormuudna ka ah urur u ololeynaya kala go’a dalka, waxayna sheegeen in ay ka daaleen dayacaadda dawlada federaalka ah iyo musuqmaasuqa madaxda dalkaasi ay sameeyaan. Madaxa ururkan oo lagu magacaabo Mr. Celso Deucher ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu soo uruuriyo illaa saddex milyan oo saxiix oo ah dadka taageersan gooni isu taagga goboladan.

Mid ka mid ah dadka codadkooda dhiibtay oo lagu magacaabo Acacio Fernandes ayaa warbaahinta u sheegay “dalkeeda waxa uu gaadhay heer aan la qiyaasi karin oo ah qalalaase siyaasadeed oo ay adagtahay in la soxo, waxaan rabnaa in aan banaanka iska dhigno xukunka Brazilia”.

Dad kale ayaa ka cawdey in aysan arkin wax loogu qabto canshuurta ay bixiyaan dadka Koonfurta, iyaga oo sheegay in wax loogu qabto dadka Waqooyiga oo iyagu heysta xuquuq xagga codeynta ah oo ka badan tan dadka Koonfurta.

Paulo Mauricio oo ka mid ah codbixiyeyaasha ayaa yidhi “Haddii aad eegtid canshuurta ay bixiyaan todobada gobol ee kor naga jirta, waxaa ka badan tan ay bixiyaan saddexdan gobol ee koonfurta ah ee kala ah Rio Grande do Sul, Santa Catarina, iyo Parana” , wuxuuna intaas ku daray “Haddii aad maqashid codka siyaasi Brazil ah oo hadlaya, lahjadiisa waa tan Waqooyiga”.

Gobolada Koonfurta waligoodba waxa ay lahaayeen damac ah in ay gaar isu taagaan xitaa ka hor xiligii uu gumeysigii Talyaaniga siiyay madax banaanida kala badh ah sanadkii 1836. Dad yar ayaa aaminsan in lagu guuleysan karo gooni isu taaga, sababtuna waxa ay tahay dastuurka dalkaas oo mamnuucaya in Brazil la kala qeybiyo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay