Hogaamiyaha Isbaheysiga Mucaaridka Kenya Raila Odinga ayaa markale ku celiyey inuusan ka qeyb galaynin doorasho musuq maasuq ah, xili qaar kamid ah isbaheysigiisa ay ku biireen dhinaca xisbi Xaakimka ah ee uu hogaamiyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee Jubilee.

Odinga ayaa lagu wadaa inuu maanta safar ku tago dalka UK, walow ay xisbi talada haya kusoo oogeen dacwad hortaal maxkamada oo lagu khasbayo Mucaaridka inaysan diidi karin doorashada la qorsheeyey inay dhacdo 26 bishan Oktoober.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey xubno horey uga mid ahaan jiray mucaaridka NASA oo ubadan kuwii looga guuleystay doorashadii dhacday Agoosto ay sheegeen inay ku biireen xisbiga talada haya ee Jubilee.

Odinga ayaa sheegay in Uhuru Kenyatta uu dhaqaalihii dalka u adeegsanayo inuu kula wareego xubno daciif ahaa oo kamid ahaa xisbiga Mucaaridka ah, wuxuuna sheegay inuusan weli dhamaan halganka ay ugu jiraan inay la wareegaan awooda dalkaasi.

Balse Raila ayaa markale sheegay inuusan ka qeyb geli doonin doorasho musuq maasuq ah isagoo weli ku adkeysanaya in la casilo guddiga doorashada oo uu ku eedeeyey inay u xaglinayaan xisbi talada haya ee Jubilee.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.