Xog rasmi ah oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in taliska wayaanuhu uu odayaal ergo ah udiray maxbuuska lagu magacaabo Dr Marera Gudina oo mudo sanad kabad uxidhnaa kooxda TPLF.

Sida xogta aan kuhelayno taliska wayaanaha ayaa 4 kamid ah odayaasha qoomiyada Oromada udiray Dr Marara Gudina si ay uga dhaadhiciyaan in uu katanaasulo mowqofkiisii ahaa in ay shacabka Oromadu helaan madax banaani iyo cadaalad isla markaana uu ogolaado in ay xukuumada lashaqeeyo.

Hase yeeshee Dr Marara Gudina ayaa siwayn uga biyo diiday soo jeedintii odayaasha wuxuuna sheegay in si xaqdaro ah uu kuxidhan yahay isla markaana uusan katanaasuli doonin fikirka raadinta xaqa shacabka Oromia iyo kahadalka dhibaatada shacabka oromia lagu hayo.

Dhinaca kale Dr Marara Gudina ayaa sheegay in uu cadaalada sugi doono islamarkaana ay udoodayaan dadka shacabka ah ee ree Oromia kuwaas oo kacdoono waawayn kawada gudaha iyo dibada wadanka wuxuuna sheegay in xabsiga uu kudhiman doono ama ay kasii dayn doonaan kuwa xaq udirirka ah ee kacdoonada wada.

Arintan ayaa imanaysa iyadoo mudawga Yurub ay xukuumada wayaanaha cadaadis xoogan kusaareen sidii loosii daynlahaa maxbuuska aan dambiga lahayn ee loo xidhay fikirka uu aaminsan yahay oo kaliya, waxaana arintan dhowr jeer kahadlay baarlamaanka Midowga Yurub.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa bahdil aad uwayn kusameeyay Dr Marara kadib markii ay qabteen isagoo khudbad kasoo jeediyay shirkii baarlamaanka wadamada Yurub, waxayna ugaysteen jidh dil aad ubadan iyagoo ugaliyay dhar gooni ah oo xabsiga uu kuxidhnaan doono.

Guud ahaan wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa maraya meel halis ah waxaana siibadanaya baxsiga saraakiisha iyo kacdoonada shacabka, halka kooxda TPLF ay ergo udirsanayso qaar kamid ah dadka iyada uxidh xidhan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.