Waxa xarunta Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee South Africa Ee JOKA ka furmaaya Shirka gudiyada faracyada jaaliyada iyo kaadirka Jaaliyada ee Koonfur Africa.

Shirkan ayaa waxa lagu casuumey wufuud ka imaanaya Meelo kala duwan, shirkan ayaa ah mid mar waliba laqabto oo ah Shirka Gudiga dhexe ee Jaaliyada JOKA.

Shirkan ayaa wuxuu socondoonaa sadex bari waxaana la furi doona 13/10/2017 wuxuuna socon ilaa 15/10/2017.

waxaa kaso qayb galaya dhamaanba Gudiyada faracyada Jaaliyada iyo Kadirka Jaaliyada ee JOKA waxaa halkaas lagu qiimeyn doonaa sanadkan horaantiisii wixii u qabsomay iyo waxan u qabsomin Jaaliyada.

Waxaa sidoo kale lagu dajin doona qorshaha Cusub ee Jaaliyada iyo Stretegayada Sanadkan soo socda.

Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa lagu casuumaa sanad walba hawul wadeenada khaaska ah ee jaaliyada, shirka ayaa lagu qaban doonaa xarunta Jaaliyada Somaalida Ogadenia ee Xarunta Pretoria.

Wixii Faah faaahina hoos ka Fiiri.

ONA/Pretoria.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.