Waxa saaka mudaaharaad balaadhan ka qarxeen qaybo kamida gobolka oromo waxaana ka socda ilaa hada magaalooyin ka kala ah Shashamane, Ambo iyo Ballet, Mudaaharaado balaadhan oo lagaga soo horjeedo xukuumada dhiig yacabka ah ee TPLF.

Mudaaharaadadan ayaa waxay shacabku ku muujin hayaan dareenkooda ku aadan xukunka gumaysiga ah ee TPLF sidoo kale wuxuu shacabku ku dalban hayaan in lasii daayo maxaabiista ku xidhan xabsiyada gumaysigu ku lee yahay xarumaha ciidanka ee ku yaala dhulka Oromada.

Xukuumada woyaanaha ayaa u muuqata mid gabalkeedu sii dhacayo waxaana marba sida bamka u qarxaya kacdoonada ay qoomiyadaha kala duwan kaga soo horjeedaan gumaysiga TPLF.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socodsiin doonaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.