Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in si anshaxa kabaxsan loola dhaqmay Afhayeenkii hore ee baarlamaan kusheegay wayaanaha Abadula Gemeda.

Sida xogta aan kuhelayno koox katirsan ciidanka anshaxa xun ee wayaanaha ayaa udaatay gurigii uu kadaganaa xarunta baarlamaanka ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo sida lasheegayo ay banaanka usoo tuureen dhamaan alaabtii iyo ciyaalkii Afhayeenkii hore Abadula.

Warka ayaa intaas kudaraya in asxaabta iyo qaraabada Abadula Megeda ay guri uga soo kireeyeen xaafada Bole ee magaalada Addis Ababa halkaas oo ay geeyeen xaaskii iyo ciyaalkii gudoomiyihii iscasilay ee baarlamaan kusheega wayaanaha Abadula Gemeda. Sidoo kale waxaa aad looga dayrinayaa amaanka Abadula oo isagu hada kujira guri uu leeyahay nin saaxiibkiis ah oo amaan ahaan loogeeyay.

Arintan ayaa muujinaysa dhaqanka liita ee taliska wayaanaha waxaana wax lala yaabo noqotay in shakhsi aan wali laga aqbalin waraaqdii iscasilaada sidaas loola dhaqmo, mana aha dhaqan kucusub taliska wayaanaha.

Ehelada iyo asxaabta Abadula Gemeda ayaa sheegaya in ay aad uga cabsi qabaan in Abadula ladilo ama laxidho, waxayna cabsi xoogan kamuujiyeen cadaawada uu taliska wayaanuhu Abadula umuujiyay kadib markuu kudhawaaqay in uu iscasilay.

Qaar kamid ah saraakiisha TPLF ayaa ninkan durba laxidhiidhiyay kacdoonada kasocda Gobolka Oromia, taas oo muujinaysa in loo marmarsoonayo lana doonayo in xabsi ladhigo, dhinaca kale in qof mas’uul ah uu iscasilo isagoo Addis Ababa kudhex sugan ayaa ah wax aan looga baranin dhaqanka wadanka Gumaysiga Itoobiya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.