Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab uu la qarxay gaadhi ay saar naayeen kaasi oo marayay meel u dhow magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ilaa 5 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen kadib markii gaadhi ay saarnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab uu kula qarxay deegaanka lagu magacaabo Luuq-Jeelow oo hostaga magaalada Baladweyne. Dad goob Joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in gaadhiga nuuciisu uu ahaa Noho islamarkaana laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, taasi oo sababtay in ay ku dhintaan 5 kamid ah dhagar qabayashii gaadhigaas u rarnaa.

Deeganka Luuq Jeelow wuxuu u jiraa Baladweyne ilaa 12 KM qiyaastii, waxaana gaadhigaasi la sheegay in uu ka yimid dhanka Deegaanka Buqqable , halkaasi oo la sheegyo inay ku xoog badan yihiin, kana soo duulaan maleeshiyada Al-Shabaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.