Midowga dhalinyarada & Ardayda Ogadenya Faraciisa Nairobi ayaa maanta Kulan Abaabul uqabtay Qaar kamida Hablaha da’yarta ah ee Ogaadeniya, Shirkan Abaabulka ah ayaa waxaa qabtay Maamulka OYSU ee Nairobi, waxayna kumarti qaadeen Qaar kamida Maamulka Jaaliyada Afrikada Bari ee Soomaalida Ogaadeenya.

Ugu horayna waxaa Shirka Lagu Furay Wacdi diini ah, kadibna waxaa Madasha Shirka Warbixino Waafiya oo dhinacyo badan taabanaya kasoo jeediyay Mas’uuliyiintii Shirka kasoo qayb gashay oo isugu jirtay Maamulka JABSO iyo Maamulka dhalinyarada OYSU, waxayna dhamaantood Carabka ku Adkeeyeen in la raadiyo Midnimada Dhalinyarada Soomaalida Ogaadeniya dal & dibad meelay joogaanba islamarkaana dadaal adag loo gali lahaa sidii la isu raacin lahaa Gumaysiga itoobiya ee kala dhaqaaqa taagan.

Dhanka kale waxaa Isu imaatinkan kahadlay qaar kamida Gabdhihii soo xaadiray Kulanka, waxayna Cod midaysan kumuujiyeen in Guntiga dhiisha la iskaga dhigo si loo hanto Dalka Ogaadeniya ee Gumaysigii haystay hada Saaxada sii banaynayo, Waxayna Gabdhuhu balan qaadeen inay sii dardar galin doonaan Hawlaha Halganka Ogadenya ee lagu doonayo Xoriyada Dalka, Diinta & Dadka Ogaadeniya.

Waxaa kale oo laga dooday Qaabka ugu Sahlan ee Midnimada Bulshada lagu raadin karo, waxaana la isku raacay in si midaysan dulmiga Ummada haysta looga wada hortago dhamaana Bulshada loogu baaqo Midnimo waxtar leh oo aan Cadiifad iyo Laablakac kudhisnayn, taasoo xiligan muhiimad wayn uleh Shacabka Ogadenya waxaana laysku balansaday in dulmiga laga midoobo loona midoobo sidii Dulmiga Ummada daashaday looga bixi lahaa, Fursada hada muuqanaysana looga Faa’iidaysan lahaa.

Ugudanbayntii waxaa Kulanka Dardaaran qiimo badan kasoo jeediyay Xoghayaha OYSU ee Bariga Afrika Halgame Cabdixakiin Mursal oo ah Xubin katirsan Gudiga JABSO kaasoo Gabdhaha ku booriyay inay Qodobada Shirka kasoo baxay Ficil ubadalaan kana soo dhalaalaan Waajibaadka Qaran ee uyaala si ay usoo dag dagto Xoriyada Ogadenya ee Muqadaska ah, Iskusoo wadaduuboo Kulankan oo kamid ahaa Shirar Abaabul oo indhawaalaba ay wadeen Maamulka OYSU oo noqonaya Shirkii Sadexaad ee ay Qabtaan mudo Bil Gudaheeda ayaa wuxuu kusoo dhamaaday Guuul iyo Jawi wanaagsan oo farxad leh.

Daacad Maxamed

ONA/Nairobi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.