Waxaa maanta ka furmay shirkii gudiga dhexe iyo kaadirka jaaliyada Ogaadeniya Koonfur Afrika faraca JOKA oo lagu casuumay dhamaanba faracyada inay kasoo qayb galaan shirka maanta la qabtay.

Shirka jaaliyada Ogadeniya JOKA ee magaalada Pretoria ayaa waxaa furay gudoomiyaha jaaliyada Ogadeniya ee wadanka koonfur Afrika Mudane Mohamed Daahir.

Shirkan gudida Dhexe ayaa hada ka socdo xafiiska xarunta JOKA ee pretoria, Shirka ayaa wuxu socon doonaa sadexda  beri ee soo socota Shirkan Kaadirka uga socdo dalka Konfur Africa ayaa waxaa barbar socdo shirkii Sanadlaha ee isugu imaan jireen Gudida Dhexe taas oo lagu qiimeyn doono wax qabadka xarunta iyo faracyada oo sanadkii ba mar la qimeeyo.

Wixi ka soo kordha ama ka soo baxa shirka inta uu socdo ayaa waxaa idin la socon doona bahda warbaahinta Ogaadeniya ee ONA.

ONA/Pretoria.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.