Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Rex Tillerson, ayaa ku adkeystay in madaxwayne Trump uu doonayo in arrinta Kuuriyada Waqooyi lagu xaliyo qaab dublamaasiyadeed.

Mr. Tillerson oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in wadaxaajoodka dublamaasiyadeed ay sii socon doonaan ilaa Bamka ugu horeeya uu ka soo dhacayo. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Rex Tillerson,ayaa sheegay in marka la isu geeyo cunaqabataynta iyo cadaadiska dublamaasiyadeed ay tahay arrin beesha caalamka mideysay.

Mr Tillerson ayaa xusay in wadamada caalamka ay hal meel uga soo wadajeesteen barnaamijka hubka Niyukleerka ee Kuuriyada Waqooyi. Bishii hore ayaa Trump waxa uu u sheegay xoghayihiisa arrimaha dibadda in uusan waqtiga isaga luminin raadinta wadahadalo lala galo Kim Jong-un.

Sidoo kale madaxwayne Trump ayaa horey u sheegay in Mareykanka ay burburin doonaan Kuuriyada waqooyi hadii ay khatar galiso ammaanka Mareykanka iyo wadamada ay saaxibada yihiin sida Koonfurta Kuuriya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.