Xildhibanano ka tirsna baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in maydadka 220 qof la geeyey Isbitaalka Madina halka dhaawaca la geeyey cisbitaalkaas uu yahay 71. Tirada dhimashada guud waxa illaa iyo hadda la sheegaya inay gaadhayso illaa iyo 237 ruux, waxaana suura gal ah inay intaasi ka badato.

Sidoo kale Isbitaalka Erdogan, (Ex Digfeer) waxa la geeyay 207 ruux oo dhaawacyo qaba oo 127 ruux oo ka mid ah aanan ehelladooda wali u imaanin. Waxaa isbitaalkaasi ku dhintay 11 ruux. Sidoo kale 6 ruux oo kale ayaa laga heley meydadkooda isbitaallada kale ee Muqdisho.

Xildhibaannada Baarlamaanka waxay sheegeen in mas’uuliyiinta cisbitaalku ay u sheegeen in maydka 130 ka mid ah dadka dhintay la garan waayey sababtoo ah jirkooda oo aad u gubtay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.