Wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in gabi ahaanba xilkii laga xayuubiyay Barekat Simon oo ahaa shakhsi awood aad ubadan kudhex lahaa talada wadanka Gumaysiga iyo kooxda qowlaysatada ah ee EPRDF.

Barekat Simon oo ahaa nin in badan kusoo dhex muuqday aqalka looga arimiyo wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa soo qabtay jagooyin kala duwan oo ay kamid yihiin lataliyaha Raysal Wasaaraha, wasiirka warfaafinta ee Itoobiya iyo jagooyin kale ayaa hada kumagacownaa gudoomiyaha gudiga Bangiga dhexe ee Itoobiya waxaana sida lasheegayo laga xayuubiyay jagadii uu kumagacownaa.

Barekat Simon ayaa lasheegayaa in uu hada kusugan yahay wadanka Maraykanka halkaas oo sida lasheegayo uu gaystay ciyaalkii iyo xaaskii iyo waliba hanti badan oo uu uruursaday intii uu talada wadanka qaybta ka ahaa, waxaana loo badinayaa in uusan halkaas kasoo laaban doonin.

Dhinaca kale sida lagu yaqaano dhaqanka kooxda TPLF waxaa macquul ah in Barekat Simon loo sameeyo dambiyo badan si loogu diyaariyo xabsi ama masaafuris, wuxuuna Barekat Simon oo mar ahaan jiray shakhsi awood leh umuuqdaa in uu qaaday wadadii ay saaxiibadii qaadeen sida Abay Sahay oo dhawaan wadanka Maraykanka ciyaalkiisii ula baxsaday.

Sidoo kale Barekat ayaa kujira xili arimihiisa siyaasadu aysan daganayn waxaana macquul ah in uu kafikirayo in wadanka Itoobiya uu kunoqdo iyo inuusan kulaabanin, taas oo noqonaysa laba daran mid dooro, waxaana lasheegayaa in Barekat uu magangaliyo waydiisan doono wadanka uu kusugan yahay ee Maraykanka.

Jagada laga qaaday Barekat Simon ayaa lasheegayaa in loo dhiibay Yinagar Dase oo kamid ah saraakiisha cusub ee talada wadanka xili xaadirkan ku amar kutaaglaysa, isla markaana ah shakhsi ay siwayn isugu dhaw yihiin raysal wasaaraha maqaarsaarka ah ee Itoobiya Hailemarim Desaleng.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.