Hay’ada caalamiga ah ee lagu magacaabo Freedom House oo kutakhasustay khilaafaadka iyo arimaha xuquuqul insaanka ayaa talooyin dhowr ah siiyay madaxda dowlada Maraykanka iyagoo si cilmiyaysan ugu gudbiyay waraaq ay kuqoran tahay habka ay doonayaan in loo xaliyo arimaha qasan ee Itoobiya.

Hay’ada ayaa dowlada Maraykanka kacodsatay in ay dabada kariixaan qaraarka ay sixiixeen xubnaha baarlamaanka Maraykanka katirsan ee lagu doonayo in xal loogu helo dhibaatooyinka aan kala joogsiga lahayn ee kajira wadanka Gumaysiga Itoobiya.

Hay’ada ayaa sheegtay in hadii aan laga hortagin dhibaatooyinka hada kataagan Itoobiya ay saamayn doonaan dhamaan wadamada geeska Africa, isla markaana ay adkaan doonto in laxaliyo hadaan hada laga howl galin.

72 xubnood oo kamid ah baarlamaanka wadanka Maraykanka ayaa sixiixay qaraar uu tirsigiisu yahay HR128 kaas oo ay doonayaan in lahorgeeyo golaha baarlamaanka ee wadanka Maraykanka, kaas oo looga gol leeyahay in lagu xaliyo arimaha qasan ee Itoobiya.

Qaraarkan ayaa rajo wayn laga qabaa in lagu xaliyo dhibaatooyinka shacabka wadanka gumaysiga Itoobiya kudhaqan kuwaas oo aan haysanin nolol iyo nabad toona isla markaana rajaynaya in ay arkaan taliska wayaanaha oo ka hor leexda.

Hay’ada Freedom House oo kamid ah hay’adaha ugu khibrada badan dhinaca talooyinka ayaa dowlada maraykanka kacodsatay in ay si dhakhso ah gacan ugu fidiso shacabka ree Itoobiya ee dagaalada tooska ah iyo kuwa dadbanba kula jira kooxda dhiig miiratada ah ee TPLF.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.