Warbixino soo baxay ayaa sheegay in magaalada Raqqa laga sifeeyey Malayshiyaadka Daacish ee muddada dheer halkaas u ahayd xarunta ama caasimadoodi maamulkii ay dhisteen ee ay ugu magacdareen Dowladda Islaamka.

Jamhadda SDF ee ay taageerayaan ciidamada cirka ee Maraykanka ayaa muddo magaalada kula dirirayey Malayshiyaadka Daacish.

Maalmihii u danbeeyey waxaa magaalada ku hadhey boqolaal ajaanib ah oo diidey in ay isdhiibaan kuwaas oo hadda la sheegayo in dhamaantood la laayey.

Saxaafada caalamka ayaa sheegaysa in magaalada weli laga maqlayo xabado goos-goos ah oo ay dhici karto in weli wax ka hadhsan yihiin Malayshiyaadkii Daacish, laakiin ma jirin wax duqeyn cirka ah.

Magaalada Raqqa ee dalka Suuriya ayaa si weyn u burburtey, waxaana hadda gacanta ku haya inteeda badan Jamhadda Syrian Democratic Forces SDF ee ay ku midoobeen carabta iyo Kurdiyiinta Suuriya.

Raqqa ayaa ahayd xarunta ugu weyn ee ISIS, halkaas oo ay ku sugnaayeen kumaankun ajaanib jihaad doon ah. Arintan ayaa ka dhigan in calankii Daacish uu dhacay isla  markaana ay Suuriya uga hadheen meelo yar.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.