Xubno kasocday Xafiiska iskudubaridka arimaha bini’aadam nimada ee Qaramada Midoobay OCHA oo magaalada Addis Ababa shir jaraa’id kuqabtay ayaa sheegay in ay guud ahaan wadanka Itoobiya kajiraan dhibaatooyin kala duwan oo hadii aan wax laga qabanin laga qoomamayn doono.

Sida uu xafiiska arimaha bini’aadam nimada ee Qaramada Midoobay OCHA sheegay waxaa guud ahaan wadanka Itoobiya kajira abaaro saamayn kuyeeshay dhamaan shucuubta kala duwan ee wadanka kudhaqan isla markaana isubadali kara macaluul hadii aan si dhakhso ah wax looga qabanin.

Xafiiska OCHA ayaa sheegay in dhibaatada ugu wayn ee dadka shacabka ah saamaysay ay tahay colaadaha aan kala joogsiga lahay ee udhaxeeya ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo jabhadaha hubaysan iyo waliba colaadaha gacan kurimiska ah ee udhaxeeya qomiyadaha kala duwan ee wadanka wada daga.

Sidoo kale xafiiska arimaha bini’aadam nimada ee Qaramada Midoobay OCHA ayaa soo hadalqaaday biyo la’aanta oo guud ahaan wadanka gumaysiga Itoobiya maraysa meel halis ah, wuxuuna xafiisku sheegay in hadaan lahelin biyo nadiif ah aan laheli doonin nabad iyo nolol toona.

Xafiiska OCHA ayaa sheegay in guud ahaan wadanka ay ku dhex barakaceen malaayiin shacab ah kuwaas oo xoolahoodii ay dhamaadeen kadib markay waayeen biyo iyo baad toona, wuxuuna xafiisku kubaaqay in gargaar bini’aadam nimo lasoo gaadhsiiyo dadkaas oo heer macaluul jooga.

Ugu dambayntii xafiiska arimaha bini’aadam nimada ee QM OCHA ayaa sheegay in malaayiin ciyaal ah ay waxbarasho la’aan noqdeen kadib markii laxidhay Iskuuladoodii, wuxuuna xafiisku caalamka ka codsaday in wax laga qabto xaaladaha qalafsan ee wadanka Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.