Militariga Israel ayaa weerar ku qaaday xarumaha shirkadaha warbaahinta Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed, taasi oo ay ku sheegeen howlgal looga jawaabayo hurinta rabashado ka dhan ah Israa’iiliyiinta.

Illaa sideed warbaahineed ayaa lagu amray inay xidhnaadaan muddo lix bilood ah, islamarkaana laba qof ayaa la xidhay. Saraakiisha Falastiinyiinta ayaa si adag u cambaareeyey falkan, oo ay ku sheegeen mid ka dhan xoriyadda warbaahinta.

Tallaabadan Israel ayaa timid saacado kadib markii dowladda ay ku dhawaaqday inaysan la hadli doonin dowlad Falastiin ay leedahay oo ay qeyb ka tahay kooxda Xamas ee ka arimisa marinka Qaza, illaa dhowr dalab laga fuliyo.

Dalabyadaas ayaa waxaa ka mid ah in Xamaas hubka dhigto, oo ay ka tanaasusho halganka ay ku jirto, islamarkaana aqoonsato Israel inay dawlad la aqoonsan yahay ay tahay taasoo ay Xasaas horaan gaashaanka ugu dhufatay.

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Natenyahu ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in Xamas ay joojiso taageerada Israel, ayna soo celiso meydadka laba askari oo Israeli ah, siina dayso laba qof oo muwaadiniin Israa’iliyiin ah.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.