Maxkamad ku taala dalka Mareykanka ayaa wax waba kama jiraan ka dhigtay mamnuucidii Madaxweyne Donald Trump ku soo rogay muwaadiniinta 8 dal inay soo galaan Mareykanka.

Maxkamad heer Federaal ah ayaa soo saaray amar si ku meel gaadh ah loogu xadiddayo dhaqan galinta amarka Madaxweyne Trump. Amarka mamnuucista ayaa ka dhan ahaa muwaadiniinta dalalka Iiraan, Liibiya, Suuriya, Yemen, Soomaaliya, Chad, Venezuela iyo Waqooyiga Kuuriya

Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Gobolka Hawaii ayaa sheegay in mamnuucida lagu soo rogay muwaadiniinta 8 dal ay tahay mid jabineysa shuruucda socdaalka dalka Mareykanka u dajisan.

Sidoo kale waxaa uu ku dooday in aan la caddeynin in muwaadiniintaas ay khatar ku yihiin danaha dalka Mareykanka iyo inkale. Donald Trump ayaa balan-qaadkiisii xilligii ololihii doorasho ahaa inuu Mareykanka ka mamnuuci doono qaar ka mid ah muwaadiniinta dalalka Muslimiinta aduunka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.