Shacabka Soomaaliyeed ayaa Arbacadii shalay 18 Oktoober in badan oo kamid ah magaalooyinka dalka Soomaaliya ka dhigay banaanbaxyo looga soo horjeedo kooxda Al Shabaab iyo qaraxii boqolaalka dad lagu xasuuqay ee ka dhacay Muqdisho 14kii bishan.

Magaalada Muqdisho ayey ka dhaceen banaanbaxyo aad u waaweyn oo aan horey loo arag, waana markii ugu horeysay oo ay dalka ka dhacaan banaanbaxyo baaxadaasleh oo looga soo horjeedo kooxda Al Shabaab iyo gumaadka ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu horkacayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay isu soo bax lagu qabtay Stadium Banadir, iyagoo si qiiroleh uga hadlay baahida loo qabo shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan la dagaalanka kooxda Al Shabaab ee xiligan noqotay halista ugu weyn ee hortaagan Qaranka Soomaaliyeed.

Kooxda Al Shabaab ayaan weli ka hadlin banaanbaxyada looga soo horjeedo ee ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya, waxayna kooxdaasi ka gaabsatay inay sheegato qaraxii shacabka badan ku dhinteen ee ka dhacay isgoyska Zoope sabtidii lasoo dhaafay.

Qaraxii 14kii Oktoober ayaa noqday weerarkii ugu xumaa ee argagaxiso oo ka dhaca caalamka in muddo ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.