Bayaan kasoo baxay dowlada Belgem ayaa muwaadiniinta ree Belgem lagaga codsaday in aysan usafrin guud ahaan wadanka Itoobiya gaar ahaan Gobolada ay kacdoonadu kasocdaan ee aan nabdoonayn waasida bayaanka loo qoray e.

Dowlada Belgem ayaa bayaankeeda muwaadiniinteeda kusugan Itoobiya kaga codsatay in ay si taxadar leh ay ula socdaan xaalada qasan ee Itoobiya isla markaana amaankooda Ilaaliyaan, waxayna xukuumadu bayaan keeda kusheegtay in wadanku uu kujiro xaalad khatar ah.

Sidoo kale war qoraal ah oo kasoo baxay dowlada Holand ayaa muwaadiniinta ree Holand lagaga codsaday in aysan usafrin wadanka Itoobiya, kuwa kusugana waxaa loogu baaqay in ay si dhakhso ah uga soo baxaan.

Dowladaha Belgem iyo Holland ayaa markii ugu horaysay digniin noocan ah soosaaray waxayna mudo ka aamusnaayeen xaalada qasan ee Itoobiya, waxaana digniinaha ay hada soosaareen laga dheehan karaa culayska siyaasadeed iyo midka amaan ee haysta wadanka Gumaysiga Itoobiya.

Dowladaha ree galbeedka ayaa inta badan horay ugu digay muwaadiniin tooda waxaana dhowr jeer digniino soo saaray dowladaha kala ah Maraykanka, Canada, Ingiriiska, Jarmalka, Swedan, Norway iyo Austaralia.

Wadamada digniinta soosaaray ayaa meeaha ugu halista badan kutilmaamay Gobolada Oromada iyo Axmaarada oo mudo labo sano kabadan ay kacdoono shacab kajiraan iyo wadanka Oadenia oo 25tii sano ee udambaysay ay kasocdeen dagaalo aan kala joogsi lahayn.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay