Ogaden News Agency (ONA)

Somali Sat TV oo ka hadlaya Shirsaxafadeedkii Jaliyada Somalida Ogadeniya ee Dacwada ICC

Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee wadanka Koonfur Afrika ayaa sida horey ONA idiinkuso gudbisay dacwad ka furtay maxakamada sare ee Koonfur Afrika. Hadaba hoos waxa aad ka fiirisaan Warbixin laga soo dayay TV Somali ah Somali Sat TV.

FAAH FAAHIN DHERAAD AH

Aljazera: Warbaahinta Aljazera ayaa faafisay 14/02/2012 warbixin ay ugu magac dartay Somalida Ogadeniya oo dacwad ka furtey ICC ay ku oogayso Ethiopia. waxaana Aljazeera ay ka xog warantay in South afrika tahay goobta ugu fiican ee laga furi karo kiis noocan oo kale ah oo dowlad lagu eedaynayo xasuuq iyo cadaadin gaysatay- maadama ay Koonfur Afrika ahayd wadan isir-takoor ka jiri-jiray oo dhibaato badan soo maray.  (http://www.unpo.org/article/13886)

Daily Maverick wargeys kasoo baxa wadanka South Afrika ayaa isna aad uga xog waramay kaalinta ay  South afrika ka qaadan karto dacwadan lagu soo oogayo dowlada Ethiopia. Waxa wargeysku cinwaan ka dhigay “South Afrika oo furinta hore soo istaagtay” dacwada lagu eedaynayo Ethiopia. Wargeyskan ayaa waxa uu ka xogwaramay qodobada dawacdan ka koobantahay oo ah 5 qodob

1.          In la oggeysiiyo oo lawargaliyo danbi baadhayasha Poliska South Afrika, Maxkamada South Afrika iyo waliba Maxkamada ICC in dhulka Somalida Ogadeniya ka dhacay xasuuq isugu jira, fal danbiyeed ka dhan ah xuquuqda bani aadamka iyo danbiyo daggaal falkaas oo illaa hada socda.

2.          In Wadanka South Afrika laga codsado inay qabtaan maxkamad taas oo lasoo horkeenayo islamarkaasna lagu baadhayo fal danbiyeedkaas kore haddii dadka geystay danbigaas ay kusuganyihiin wadanka South Afrika iyada oo lamarayo xeerka (Rome Statute of the international criminal court act 27 of 2002)

3.          In Wadanka South Afrika laga codsado inay keenaan qofka maqanaha ah ee fal danbiyeedkaas lagu oogayo maxkamada haddii uu ka maqanyahay wadanka South Afrika iyaga oo kasoo qabanaya meelkasta oo uu adduunka ka joogo.

4.          In laga codsado wadanka South Afrika haddii ay xukumi kari waayaan xubinka lagu soo oogayo danbiyadaas kore maqnaasho uu ka maqanyahay wadanka South Afrika awgeed. Inay sharci ahaan waajib ku tahay inay wargaliyaan oo ay u gudbiyaan Maxkamada Caalamiga ah ee  ICC maadama South Afrika ay xubin ka tahay buuxa Rome Statue.

5.          In Wadanka South Afrika ka codsato Maxkamada Caalamiga ah ee ICC inay baadhaan fal danbiyeedkaas kuna oogaan danbiga ay geesteen ee ka dhan ah xuquuqda Bani aadamka iyo fal danbiyeed daggaal  iyaga oo maraya xeerka ciqaabta ee qodobka 15 Rome Statue.

(http://dailymaverick.co.za/article/2012-02-16-ogaden-refugees-legal-claims-may-put-sa-on-the-spot)

Kiiskan lagu soo ogayo wadanka Ethiopia ayaa illaa hada la ogeyn innuu kamid yahay raisal wasaraha wadanka Ethiopia. Balse waxa ay guul u tahay shacabka Somalida Ogadeniya oo 15ki sano ee u danbeysay xasuuq  xoogani ka taagna dhulkaas. Waxana marar badan xasuuqaas bayaamo iyo bugaag kasoo saaray haayadaha xuquuqul Insaanka sida Human Rights Watch iyo amnesty International. Waxa kale oo si qarsoodi ah ugaso waramay xasuuqaas New York times iyo Aljazeera. Looma ogola dhulka somalida Ogadeniya warbaahinta madaxa banaan iyo Hayadaha xuquuql insaanka toona inay galaan Ogadeniya. Waxana laga soosaaray oo laga mamnuucay  Haayada Red Cross, MSF iyo Amnesty International inay Ogadeniya Ka howlgalaan.

Dacwadan ay Gudbsiay Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee lagu oogayo wadanka Ethiopia waxa ay kusoo beegantay maalin ay Somalida Ogadeniya xusayaan murugadii Febraayo ee sanadkii 1994 waqtigaas oo xasuuq aad u weyn ciidamada Ethiopianku ka geysteen dhulka Somalida Ogadeniya.

Isla Maalinkaas ay Dacwada gudbiyeen Jaaliyada Somalida Ogadeniya waxaa lagu xasuuqay Magaalada gunagado  shacabki dagana oo lagu dilay 16 qof oo isugu jira waayeel caruur iyo haween magalada Gunagado. Halka 20 qof oo kalena dhaawac halis ah uu soo gaadhay. Waxaa kale oo magaladaas laga qaffaashay 100 qof oo loo taxaabay xabsiyo aan la garanayn illaa hadana aan la ogeyn geeri iyo nolol toona waxay ku suganyihiin.

ONA

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=8750

Posted by on Feb 18 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 7,950
  • Last 7 days: 54,879
  • Last 30 days: 225,310
  • Online now: 27
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com