Midowga Yurub ayaa shaaciyay in ay si deg deg ah uga qeyb qaadan doonaan gurmadka loo fidinayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaadhay Qaraxii 14-kii Bishan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulan deg deg ah oo ay yeesheen Jumcihii ayay sheegeen xubno ka tirsan Midowga Yurub in Maraakiib Sida dawooyin loo so diri doono wadanka Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen in Midowga Yurub ay muhiim tahay in si wadajir ah looga qeyb qaato gargaarka dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu kasoo gaadhay Qaraxii Zoobe.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay in maraakiibta dagaalka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub in ay si wanaagsan uga qeyb qaateen Gurmadka dadka Soomaaliyeed Markii uu dhacay Qaraxa.

Waxaa ay sidoo kale tilmaameen in dawooyin iyo sidoo kale qalab Caafimaad oo hordhac ah in ay soo gaarsiiyeen Soomaaliya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay