Wararka naga soo gaadhya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa kawar bixinaya sicir barar siyaasadeed oo magaaladu ay laciirciirayso iyo cabsidii abid ugu badnayd oo soowajahday kooxda TPLF ee talada wadanka xooga kuhaysata.

Sida xogta aan kuhelayno 100 kamid ah baabuurta dagaalka ee ciidanka gumaysiga oo ay askar kabuuxdo ayaa soo gaadhay magaalada Addis Ababa, kuwaas oo sida lasheegay ladoonayo in lagaga hortago afgambi iyo qalalaase kusoo wajahan magaalada.

Ciidamadan magaalada lasoo dhoobay oo kumanaan ah ayaa lasheegayaa in ay udhasheen qoomiyada Tigreega iyo kuwa bahwadaagta la ah iyagoo laga ilaaliyay ciidamada udhashay qoomiyadaha Oromada iyo Axmaarada oo ah labada qoomiyadood ee ugu tirada badan dhamaan qoomiyadaha kudhaqan wadanka gumaysiga Itoobiya.

Kornayl Alamu oo ah taliyaha qaybta kahowl gasha Addis Ababa iyo deegaanada kuxeeran oo udhashay qoomiyada Oromada ayaan lagu wargalinin waxa ay ciidamadu qabanayaan iyo sababtoo lookeenay magaalada toona, waxayna ciidanku sitoos ah uga amarqaataan taliska guud ee ciidanka wayaanaha.

Dhinaca kale xukuumada wayaanaha ayaa 4 kamid ah Janaraalada udhashay qoomiyada Oromada ku war galisay in loodirayo wadanka dariska ah ee Koonfurta Sudan halkaas oo sida lasheegayo ay lahowl galidoonaan ciidanka wayaanaha ee halkaas kusugan.

Sadex kamid ah saraakiisha ayaa diiday amarka kasoo baxay taliska wayaanaha iyagoo kawar helay in loomasaafurinayo wadankaas kadib markii laga baqay in ay afgambi mulatari sameeyaan.

Guud ahaan waxaa wadanka Itoobiya kadhamaaday isfahankii iyo is aaminkii saraakiisha iyo ciidamada, iyagoo dadwaynuhuna ay udiyaar garoobeen sidii ay gumaysiga uga hoos bixi lahaayeen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.